Rooble oo u digay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

Image
Go’aanka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka ku jiro xilli kala guur ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socdo wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.

Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada, sida lagu sheegay qoraalkan soo baxay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hey’addaha kale ee dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.

"Sidaas daraadeed waxaa la idinka rajeynayaa inaad sidaa ula socotaan fulisaana awaamiirta sare ku xusan” ayaa lagu yiri gabagabadii amarka kasoo baxay Rooble.

Go’aanka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah maadaama maanta uun xilka la wareegay Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliyda, Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, wuxuu amarkan saameyn doonaa shaqaalihii kala duwanaa ee ay wasaaraddu qaadatay wixii ka dambeeyey kowdii Janaayo ee 2022, maadaama dib loo soo celinayo shaqaalihii horey u joogay wasaaradda ee la beddalay & kuwa toos looga saaray shaqada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM