Rooble oo u safraya Imaaraadka xilli dalka doorasho ku jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xilgaarsinta ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee caasimadda waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Xafiiska wasiirka 1aad ee xukumumadda.

Sarkaalka ayaa sheegay in Rooble uu casuumaad rasmi ah ka helay Imaaraadka Carabta isaga oo saacadaha soo socda ka duuli doono Muqdisho, iyada uu jiro khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka Carabta, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib usoo nooleynta xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Somalia & Imaaraadka.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaadi doonaa arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu Imaaraadka doonaya inuu galaangal xoogan ku yeesho, si uu fursad ugu helo dhismaha dowladda cusub.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo garab weyn ka helaya dowladda Qatar.

Arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM