Rooble oo u safray UK xilli ay "is-maan-dhaafeen" Farmaajo

Image
Farmaajo ayaa Rooble magacaabay 17-kii September, 2020. [Photo Illustrator: Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa wuxuu u socdaalay caasimada Ingiriiska ee London, sida warsidaha Garowe Online uu ka ogaadey illo ku dhow xafiiska wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, Rooble oo la magacaabay 17-kii September, 2021 ayaa "booqashadiisu waxay tahay mid shaqo oo uu ku arkayo dhinacyo kala duwan".

Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in uu ka qeybgeli doono shirka waxbarashadda caruurta. "Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska , halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta," ayaa lagu yiri bayaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  inta uu joogo UK waxa uu la kulmi doonaa  Ra’iisul Wasaaraha   UK Boris Johnson ,Madax iyo Mas’uuliyiin kale.

Socdaalkan oo noqonaya kii saddexaad oo Rooble dibada ku taago tan iyo markii la magacaabay ayaa kusoo aadaya xilli cilaaqaadka kala dhaxeeya madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo uu aad u xumaadey.

Wararka ayaa soo-jeedinaya in Villa Soomaaliya aysan ku farxin qaabka uu xukuumada xilgaarsiinta u maareyneyso geedi-socodka doorashooyinka dadban "oo ay dooneyso in uu noqdo mid gabi ahaanba u afduuban Farmaajo".

Farmaajo oo u ordaya in uu difaacdo kursiga uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa May, 2021 Rooble ku wareejiyay daadihinta howlaha doorashooyinka markii uu ku fashilmay agaasinta hab loo dhan yahay.

Damaca Rooble ee xilka madaxtinimada

Inkasta oo fagaareyaal kala duwan uu ka sheegay in uusan damac badan uga jirin qabashada xilka madaxweynaha, haddana tafaasiil cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in Rooble ay "dhici karto in uu isa soo sharaxo".

"Iyaddoo safarkiisa qorshuhu yahay maanta illaa berri, haddana waxaa jira guux ah in laga yaabo in uu isku soo sharaxo xilka madaxwaynaha kadib socdaalan," ayuu yiri mas'uul codsadey in aan magaciisa la shaacin.

Tani ayaa dhabar-jab ku noqon doonta Farmaajo kaasoo raadinayey ra'iisul wasaare dhisa balse aan la tartamin. Xasan Cali Khayre oo saddex sano iyo bar ayay ku kala tageen damac muddo kororsi iyo hogaaminta dalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ra'iisul wasaare kursiga madaxweynaha kula tartamo madaxweynihii isaga magacaabay waana waaya-aragnimo la arkay dhowaanahaanba balse ma dhicin in ay xilka isku wareejiyaan.

Hal jeer ayay taariikhda Soomaaliya oo idil ka dhacday in madaxweyne uu xilka ku wareejiyo ra'iisul wasaare uu magacaabay waana Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde] iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake 1969-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM