Rooble oo u yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii weeraro lagu hoobtay ay ka dhaceen Muqdisho iyo Beledwayne.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa kulan isugu yeeray taliyayaasha ciidamada amniga dalka, maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweynaha xilka ka sii dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida sarkaal ka tirsan Xafiiska Rooble cadeeyay.

Ugu yaraan Afar ilo wareed oo lagu kalsoonaan karo ayaa GO u sheegay in Rooble uu xalay farriin u diray dhammaan taliyayaasha uguna baaqay in ay isugu yimaadaan kulan maanta ka dhacaya xafiiska Wasiirka 1aad ee xukumadda.

Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, balse markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, ayuu cadeeyay mid ka mid ah ila wareedyadeena.

Farmaajo oo shalay kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda xilliga Ramadaanka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee “falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.”

"Hada waxaa jira loolan xoogan oo u dhexeeya Xafiisyada oo ah cida sugaysa amniga doorashada, waana sababta labada dhinac ay u kala jiidanayaan taliye-yaasha ciidanka," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha oo hadlkiisa raaciyay xitaa waxaa laga yaabaa in Rooble “Taliye cusub u magacaabo hay’adda NISA ka dib shakigii ka dhashay dilkii Xildhibaano Aamino Maxamed Cabdi”.

Rooble iyo AMISOM.

24 March, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera iyo taliyaha ciidanka AMISOM waxa uuna kala hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka.

Kulanka ayaa ka dhacay ka dib falalkii argagixiso ee lagu weeraray garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo loo qorsheeyay doorashada golaha shacabka. Weerarkaas waxaa lagu tilmaamay mid lagu carqaladeynayo doorashada dalka.

Rooble ayaa qorshaynaya sida ilo wareedyo xilkas ah u sheegeen GO in amniga doorashada lagu wareejiyo ciidanka AMISOM, si meesha looga saaro walwalka musharixiinta madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed ee ah amniga doorashada Soomaaliya.

Qorshaha Rooble oo haysta taageerada saaxiibada beesha Caalamka ee Soomaaliya waxaa diidan madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo oo galinkii dambe sabtida ku booriyay taliska ciidanka in ay qaataan masuuliyada amniga doorashada badalkii AMISOM lagu wareeji lahaa.

Musharixiinta madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaadka ayaa ka walwalsan sida dalkaan doorasho xalaal ah uga dhici karto iyada oo awoodda amniga dalka uusan gacan ugu jirin oo taliyayaasha ay si buuxda ugu xiran yihiin ugana amar qaataan Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM