Roobow oo ku adkeysatay ka qaybgalka doorashada KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] ayaa ku adkeystay inuu ka qaybgalka doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, taasi oo la filayo inay qabsoonto 17-ka bisha dambe ee November.

Warar dheeri ah oo laga helayo ayaa sheegaya in wadahadalo maalmihii u dambe u socday Dowladda Soomaaliya iyo Roobow ayaa u muuqda in is faham aan buuxin laga gaarey, islamarkaana ay suurtgal tahay in hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al Shabaab sii waqti ololihiisa.

Mar sii horeysay, war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga dalka ayaa lagu sheegay in aanu Roobow u tartami karin doorashada sababo ku aadan inay wali saaran tahay xayiraad caalami ah.

Balse, Mukhtaar Roobiw oo si wayn uga banaan-baxay arrintaasi ayaa sheegay inaanu uhakin doonin arrimahaasi, taas oo keentay inay dowladda u dirto Baydhabo Wafdi kala soo xaajooda arrimahaasi.

Sikastaba, illo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in Roobow arrintaas loo ogolaadey, isaga oo sii wadan doona olalihiisa doorashadda oo ay kaabayaan masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Lama ogga waxa iska bedalay mowqifka dowladda iyo waxa keenay inay u ogolaato Roobow inuu baratanka qayb ka noqdo, balse waxaa la fahansan yahay inay timid markii wadaadka uu ka goos adeegay dalabyada DFS.

Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa raggii dhidibadda u taagan xoogaga Al-Shabaab ayaa ku biiraya liiska xubnaha horey uga mid ahaan kooxdani, kuwaasi oo kadibna siyaasiyiin isku bedalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM