Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday
NAIROBI – Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa shaaca ka qaaday in fashil ku yimid qorshihii dib loogu furi lahaa xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo sababta ku sheegay qalalaasaha siyaasadeed iyo dagaallada dib uga soo cusboonaaday gudaha Soomaaliya.
Wareysi uu siiyey telefishinka France 24 xilli uu ku sugnaa shirka Africa Forward Summit ee magaalada Nairobi, ayuu Ruto ku sheegay in Kenya ay diyaar u ahayd furista xuduudka, balse ay arrintaas hor istaageen iska horimaadyada u dhexeeya Ciidanka Federaalka Soomaaliya (SNA) iyo ciidamada dowlad goboleedyada, gaar ahaan kuwa Jubbaland.
Xuddunta Khilaafka iyo Dagaalkii Xuduudka
Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya, isaga oo sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay soo galeen gudaha Kenya markii looga adkaaday dagaalkii ay la galeen Jubbaland.
"Xaqiiqdii, bartaas qaar ka mid ah Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu soo riixay gudaha Kenya. Waxaan ku khasbanayn inaan taageerno ciidankaas, aan duulino, oo aan caawino si aan u dajino xaaladda, dagaalkana u yareeyno," ayuu yiri Madaxweyne Ruto.
Mudo-xileedka oo Idlaaday iyo Jahwareerka Siyaasadeed
Ruto waxa uu walaac xooggan ka muujiyey mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isaga oo xusay in xilligan ay jirto hubanti la’aan weyn oo dhanka sharciga ah. Waxa uu si cad u sheegay In mudo-xileedka xildhibaanada Federaalka iyo Madaxweynaha uu dhammaaday.
Waxa uu intaas ku daray in Kenya, Itoobiya, iyo Jabuuti ay isku dayeen inay dhexdhexaadiyaan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, balse ilaa hadda aysan ku guulaysan inay xal waara gaaraan.
Xuduudka oo Sii Xirnaan doona
In kasta oo bishii Febraayo ee sannadkan uu Ruto ballan-qaaday in xuduudka dib loo furi doono bishii Abriil, haddana hadalka maanta ka soo yeeray ayaa xaqiijinaya in qorshahaas la laalay.
"Waqtigan xaadirka ah, xuduudku ma furna," ayuu yiri Madaxweynuhu, isagoo tilmaamay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay tahay furaha kaliya ee dib u furista ganacsiga iyo isku socodka dadka ee labada dal.
Dhowr qodob oo muhiim ah:
Amniga: Weerarada Al-Shabaab ayaa horay u dib dhigay furista xuduudka sanadkii 2023.
Ganacsiga: Kenya ayaa hadda u oggol kaliya dhoofinta Qaadka (Miraa), balse ganacsiga kale ee xuduudaha Mandera iyo Garissa ayaa wali xayiran.
Xaaladda Gobolka: Tani waa markii ugu horreysay oo hoggaamiye gobolka ka tirsan uu si cad u weeraro sharciyadda hay'adaha dowladda Soomaaliya xilli ay socdaan wada-hadallo ay garwadeen ka tahay beesha caalamku.
GAROWE ONLINE