Ruushka oo taliye cusub u magacaabay dagaalka Ukraine

Image
Jeneraalka ayaa la saadaalinayaa in ay u diiwaangali doonaan dambiyo hor leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

MOSCOW, Russia - Kadib markii la fashiliyay qorshihii uu Ruushka ku doonaye in uu si deg deg ah kula wareego dalka Ukraine ayaa waxuu bilaabay in uu isbedello ku sameeyo hogaanka hawlgallada milatari isagoo taliye cusub u magacaabay weerarrada joogtada ah ee ciidamadiisa ka hayaan bariga Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa Axadii sheegay in taliyaha cusub ee militariga Ruushka ee Ukraine uu yahay General Alexander Dvornikov, oo 60 jir ah, kana mid ah saraakiisha ugu khibradda badan Ruushka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Dvornikov loo diray dalka Suuriya sannadkii 2015-kii si uu garab u siiyo ciidamadii fashilmay ee Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-Asad oo uu muddo sannad ah hoggaaminayay ciidammada Ruushka ee dalkaasi ka hawlgalaye.

Shaqooyinka hawlkarnimada leh ee uu dalka Suuriya ka qabtay mudadii uu joogay ayaa sabab u noqotay in loo magacaabo Halyeyga Ruushka, isagoona hadda ah taliyaha ciidanka milatariga ee koonfurta Ruushka.

Intii uu ka shaqeynayey dalka Suuriya, ciidamada Moscow ayaa si weyn loogu eedeeyay in ay duqeeyeen xaafado ay daganaayeen dad rayid ah iyo isbitaallo iyagoo isku dayaya in ay hor istaagaan fallaagada dooneysay in ay xukunka ka tuuraan Al-Assad.

Rami Abdulrahman, oo ah madaxa korjoogtada Suuriya ee xuquuqal insaanka, oo ka mid ah kormeereyaal dagaal oo fadhigoodu yahay Britain, ayaa laga soo xigtay isagoo dhahaya, "Bashaar al-Assad kaliya maahan in lagula xisaabtamo dilka dadka rayidka ah ee Suuriya balse Jeneraalka Ruushka ee Dvornikov isna waa in lala xisaabtamo maadaama uu ahaa taliyaha howlgallada milatariga.”

Hadalka Abdulrahman ayaa la micno ah in uu ka danbeeyay dilka dadka rayidka ah iyo bixinta amarka lagu dilay.
Lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan ayaa isna sheegay in taliyaha cusub uu xasuuqyo ba’an ka geysan doono dalka Ukraine si la mid ah wixii uu ka sameeyay Suuriya.

Mr Sullivan ayaa sidoo kale sidoo kale sheegay in magaacista taliyaha cusub ay muujineyso guuldarrada ciidanka Ruushka kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Ukraine, isaga oo arintan ka hadlayana waxuu yiri: "Xaqiiqdi magacaabis kasta oo Ruushka uu sameeyo ma tirtiri karto guul-darrada uu kala kulmay dagaalka  waxuuna awoodi waayey inuu si dhaqso ah u afgambiyo waddanka ka dib duulaankii 24-kii Febraayo".

Jeneraalka ayaa la saadaalinayaa in ay u diiwaangali doonaan dambiyo hor leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah madaama uu yahay nin mayal adag.
Lataliyaha amniga ee Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in uu sameeyo wax kasta oo ay awoodaan siday uga caawin lahaayeen dadka reer Ukraine in ay iska difaacaan ciidamada uu hogaaminayo Mr Dvornikov.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM