Ruux qaab suuq madow ah hubka u iibin jiray oo lagu dilay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Mas'uuliyiinta ayaa xaqiijiyey in ruux qaab suuq madow ah hubka ugu iibin jiray degaanadda Koonfur Galbeed lagu toogtay magaaladda Baydhabo, maanta oo Axad ah.

Shaqsigan oo magaciisa lagu sheegay Cali Waydhaan ayaa waxaa khaarijiyey dabley hubeysan, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanka.

Xogta uu helay mareega GO ayaa intaasi raacineysa in sababta Waydhaan loo dilay aysan la xiriirin kala iibsashada hubka. Balse illaa iyo haatan lama xaqiijin karo waxa keenay dilkiisa.

Fahfaahinta ayaa intaasi ku daraysa in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen shaqsi lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay khaarijinta Waydhaan, kaasi oo la dhigay xabsi caasimad goboleedka Bay.

Saraakiisha nabad-gelyadda ayaa u sheegay warbaahinta in baaritaan ay ku sameyn doonan waxa keenay dilka kadibna ay si waafi ah ugu soo bandhigin doonan guud ahaan saxaafadda.

Ka ganacsiga hubka iyada oo loo marayo qaab suuq madow ah ayaa waxay mamnuuc ka tahay guud ahaan Soomaaliya xili wadanka ay saaran tahay xayiraad dhanka hubka ah oo ay Qaramada Midoobay saartay.

Dadka arrimahan ku lugta leh ayaa waxaa la sheegaa in dhinacyada ay hubka ka iibiyaan ay ku jiraan kooxaha dowlada dagaalka kula jira ee Al-Shabaab iyo Daacish kuwaasi oo falal lidi ku ah amniga ku geysta.

Bishii Maaj ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ay sideed [8] sano oo xabsi ay ku xukuntay shaqsi la sheegay in uu qirtay in uu hub u iibin jiray Al-Shabaab. [Halkaan ka akhriso warkan]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM