RW DFS oo Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Sucuudiga

Image

ADDIS ABABA- Ra'isal wasaraha dowlada Federaalka Somalia ayaa magalaada Addis Ababba kula kulmay wasiirka arimaha dibada dalka Sucudiga Adel al-Jubeir. Kulankaan ayaa la filayaa in lagaga hadlay go'aankii dowlada Federaalka ka qaadatey khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliifka. 

Dowladaha Sucuudiga iyo Imaraadka Carabta ayaa ka xumaadey go'aanka dowlada Federaalka ka  qaadatey khilaafkaan kasoo ay u fahmeen in Villa Somalia go'aankeedu u janjeero dhinaca Qatar.

Dhowaan ayey aheyd markii warbixin kasoo baxdey hay'ada cilmi Baarista dalka Ingriiska ee Chatham House sheegtey in khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka uu saameyn ku yeelan karo wadamada ku yaal geeska Africa.

Watbixntan ayaa qayb kamid ah waxay tilmaantey in dalka Qatar maalgaliyey dowladii hore ee Xasan Shiikh halka dhinaca kale dowlada Madaxweyne Farmaajo ku tilmaantey in xiriirka Doha iyo Villa Somalia u dhexeeya waqtigaan uu buddhige u yahay agaasimaha guud ee madaxtooyada Fahad Yasiin.

Qoraalkaan ayaa u bixiyey siyaasada dowladaha Somalia isaga dambeeyey 10-kii sano ee u dambeeyey Siyaasada Islaamiyiinta (Political Islam) taasoo keentey in wadamo badan ku tartamaan xilliga Doorashada lahaanshaha maskaxda madaxda fariisaneysa Madaxtooyada Somalia.

Dalka Turkiga iyo Qatar oo iminka kasoo horjeeda gashaan buurta Sucudiga ayaa waxaa la rumeysan yahay in saameyntooda ay ku leeyihiin dowladihii ugu dambeeyey ee Somalia ay wel wel ku abuurtey wadamada kale ee Khaliijka kuwasoo xiriir dhaqaale iyo xuduud badeed la leh Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM