Guddiyada Joogtada BF oo Su’aallo weydiiyay Ra’iisul Wasaare Khayre

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar warsidaha GO ka helayo qaar ka tirsan mudanayasha golaha shacabka ayaa sheegaya in xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka gudiyadooda joogtada ah  su'aalo adag waydiiyeen Ra'isal wasaraha Somalia kuwasoo ku sabsanaa in Wasiirka koowaad ee xukuumada inuu wado kacdoon ka dhan ah Xikdhibaanada Somalia.

Kulanka su'alaha lagu waydiinayey Ra'isal wasaraha Somalia oo ka dhacey Villa Hargeysa  ayaa diirada saarayey labo arimood kuwasoo kala ahaa; Xaflad qaaraan la sheegey in  loogu ururinayey Cidamada qalabka sida taasoo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan sheegey in xildhibaanada loogu tago guryahooda hadii ay mooshin ka keenaan xukuumada iyo riwaayad fanaaniinta ciidamada Booliska ka dhigeen munaasabadii lagu furayey aqalka Barlamanka taasoo lagu aflagaadeeyey xildhibaanada Somalia. Kulankaan ayaa qaatey muddo Afar saacadood ah

Hadalka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ka sheegey xafaladii qaaranka loogu ururinayey ciidmada iyo midkii uu ka akhriyey aqalka Barlamanka markii la furayey kalfadhiga ayaa waxaa aad uga xumaadey xildhibaanada aqalada Barlamanka kasoo la sheegey iney ku jirtey cabsi galin.

Dhinaca qodobka kale ee riwaayada fanaaniinta ka dhigeen aqalka Barlamanka ayaa waxaa mas'uuliyadeeda la saarey gudoonka Barlamanka halka madaxda dowlada lagu eedeeyey iney wax hadal ah ka oran markii khudabadaha ay ka jeedinayeen halkaas.

Xildhibaanada ayaa dhinaca kale Ra'isal wasare Khayre ku eedeeyey in madaxda sare ee dowlada ka shaqeyneyso sidii xildhibaanada iyo shacabka la isaga horkeeni lahaa iyadoo wasiirka koowaad dhamaan ka jawaabey arimihii lagu eedeyey.

Mudanyasha aqalka ayaa sida wararka ku heleyno u sheegey Ra'asal wasare Khayre in iyagu yihiin kuwo doortey Madaxweynaha Somalia Farmaajo islamarkana xasaanada siiyey wasiirka kowaad iyaguna yihiin kuwa shacabka wakiilka u ah.

Wasiirka Kowaad ayaa loo sheegey in madaxda dalka dhinaca kale u shaqeyneyso kuwasoo ka dhigey in doorasho Hal Cod Hal qof ah lagu doortey taasoo keentey iney u ekeysiiyeen in xildhibaanadu Cabdow ku yihiin hurumarka dalka. 

"Ra'isal wasaraha Somalia waxaa uu dhamaan raali galin ka bixiyey arimihii su'aalaha laga waydiiyey, waxaana uu muujiyey deganaan markii uu ka hadlayey qodobadaan."sidaas waxaa u sheegey GO xildhibaan ka tirsan Barlamanka DFS.

Ugu dambeyn wararka ayaa sheegaya in Ra'isal wasaraha Somalia iyo gudoonka balan qaadeen in qoraal raali galin ah kasoo saaraan arimaha Xidhibaanadu ka cabanayaan iyagoo Idaacadaha shacabka kala hadlo doona.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM