RW Khayre oo joojiyay Warqad lagu soo xiri lahaa Wasiir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa soo farageliyay xiisad ka taagnayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Zoobe [KM-5], ee magaalada Muqdisho.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay amar maxkamadeed, oo lagu soo xirayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa'uud, kaasoo saaka ay ay Xafiiskiisa ugu tageen Ciidamo Boolis ah.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyay in la xaliyay murankii ka dhashay isku daygii ciidamada ku doonayeen inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka, kadib markii uu Khayre soo dhexgalay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jeneraal Bashiir, ayaa dib u celiyay ciidankii wasaarada tagey markii uu lasooa hadlay Ra'iisul Wasaaraha, waxaana wasiir kuxigeenka loo fasaxay inuu shaqadiisa dib ugu laabto.

Wali Xukuumadda Khayre fahfaahin kama aysan bixin sababta loo doonayay in lasoo xiro Wasiir ku xigeenka, xilli uu Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibadda ka maqan yahiin magaalada Muqdisho.

Rasaas ayaa laga maqlay xarunta Wasaaradda kadib markii ay ilaaladiisa ay is hor-taag ku sameeyeen xarigiisa, taasoo keentay in xiisad ay ka dhalato, taasoo mudo saacado ah ka taagnayd Wasaaradda. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM