​RW Khayre oo ku wajahan dalka Mareykanka [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali  Khayre iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa la filayaa inuu Todobaadka soo socda u ambabaxo dalka Mareykanka.

Axada soo socota ayaa lagu wadaa in Mudane Khayre uu gaaro magaalada New York, halkaasi oo uu uga qeyb-gali doono Shirka Guud ee QM, oo uu ka jeedin doono Khudbad ku saabsan Xaalada dalka Somalia.

Shirka Sanadlaha ee QM ayaa ajandooyinka looga hadli doono waxaa kamid ah Arrimaha Somalia.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online ayaa   Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u shegeen in Madaxweyne Farmaajo ka baaqdey shirkaan isagoo uu matali doono Ra'isla wasaare Khayre.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan Booqasho ku tago dalka Mareykanka, Isagoo  Casuumaad rasmi ah ka sugaya dhigiisa, Donald Trump.

Doland Trump ayaa u balan-qaadey Madaxweyne Farmaajo markii ay isku arkeen Shirkii magaalada Riyadh bishii May ee sanadkan inuu ku casuumayo White House-ka, oo Kulan gaar ah ku qaadan doonaan.

Mareykanka ayaa si aad ah hadda u danaynaya arrimaha Somalia, waxaana uu usoo diray Askar lagu qiyaasay 70 Askari, kuwaasi ka taageeraya Ciidamada dowladda iyo AMISOM Howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al shabaab.

Bishii Maarso, Madaxweyne Trump ayaa saxiixay qorsho cusub oo lagu ballaarinayo Howlgallada Military, ee Ciidamada Mareykanka ee dalka Somalia, si looga hortago Khatarta Al shabaab ee gobolka Geeska Africa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM