Ra’isal wasaraha Somaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah madaxda caalamka ka socotay ee ka qeyb galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa ugu mahad celiyay shacabka iyo Dawladda Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre mar uu la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii Argagaxisada iyo dagaalkii sokeeye. Waxaana u tilmaamay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hay’adaha Amniga si loo gaaro nabad waarta.

Madaxweyne Erdogan ayaa qiray dhankiisa horumarka la taaban karo ee Dawladda Soomaaliya ay gaartay mudada kooban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM