​RW Khayre oo sheegay in lasoo deynayo Maxaabiis ku xiran Ethiopia

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu kala hadlay dhigiisa Ethiopia Hailemariam Desalegn sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis Soomaliyeed oo ku xiran xabsiyda dalkaasi.

Maxaabiistan lasoo deynayo, oo aan tiradood la shaacin, ayaa waxaa ku jira Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha), oo mudo dheer ku xirnaa dalka Ethiopia.

 Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa  Khadka Teleefoonka kula hadlay Hailemariam Desalegn, waxayna mas’uuliyiintani isku afgarteen in xuriyadooda loos oo celiyo maxaabiista wali ku xiran Ethiopia.

Warbaahinta dowladda Somalia ayaa sheegtay in Hailemariam Desalegn uu aqbalay codsiga uga yimid Ra'iisul Wasaare Khayre, ee lagu soo deynayo maxaabiista, oo dib loogu soo celinayo dalkoodii hooyo.

Ethiopia ayaa ku wareejisay Dowladda Somalia Maxaabiis tiradooda gaarayso 141, kadib markii Ra'iisul Wasaare Khayre booqasho uu ku tagey Ethiopia bishii July, islamarkaana uu la kulmay Hailemariam Desalegn.

Heshiiskan lagu soo deynayo Maxaabiista, ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka weli war rasmi ah kasoo saarin arinta Cabdikariin Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax" oo loo gacan geliyay Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM