Saalax: Soomaaliya waxay wajahaysaa saameynta daran ee cimilada

Image
Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka Madaxda Adduunka ee Isbedelka Cimilada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jamac, ayaa maanta ka qayb galay Shirka Madaxda Adduunka ee Isbedelka Cimilada, kaas oo qayb ka ah shirweynaha COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Ciraaq, Dr. Abdul Latif Rashid, iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Burundi, Prosper Bazombanza.

Shirka ayaa waxa diiradda lagu saaray oo si wadajir ahna looga dooday xoojinta maaliyadda cimilada (Climate Finance) si loo dardargeliyo nidaamka wax-soo-saarka gaar ahaan dalalka nugul ee ay saameeyeen colaadaha iyo xaaladaha nugul ee cimilada.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Sanduuqa Caalamiga ah ee Maaliyadda Cimilada (GCF) iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), isaga oo xoogga lagu saarayo sidii loo heli lahaa maalgelin iyo taageero lagu horumarinayo nidaamyada cuntada iyo beeraha ee adkeysiga leh, kuwaas oo muhiim u ah dalalka ay dhibaatooyinka cimilada iyo colaadaha ku habsadeen.

Salax Axmed Jaamac ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo wadamada sida gaarka ah ugu nugul cimilada isbedelaysa, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay la tacaaleyso saameynta daran ee cimilada, kuwaas oo ay kamid yihiin abaaraha iyo daadadka soo noqnoqda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM