Saameynta dilka Qaroole "ku yeelan karto" gulufka Al-Shabaab

Image
Taliyihii booliska gobolka Banaadir ayaa ku naf-waayay qarax miino oo lagula eegtey gobolka Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii booliska gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Aadan [Qaroole] ayaa kamid noqdey ugu yaraan qof kale oo ku geeriyoodey qarax miino oo shalay lagula eegtay gobolka duleedka Muqdisho.

Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay in Qaroole iyo ilaaladiisa ay ku beegsadeen degaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dowladda oo xaqiijisay waxay ku hanjabtey "in ay u aargudi doonto marxuumka".

Geerida Qaroole ayaa kusoo aaday iyadda oo maamulka Xasan Sheekh uu iclaamiyey dagaal ay "dadka iyo dowladda" la galayaan xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Isku-dhacyadda ayaa intooda badan waxay ka dhaceen gobolka Hiiraan ee maamul goboleedka HirShabelle. Warbaahinta dowladda waxay warisay in howlgaladan "lagu xoreeyay" in ka badan 40 degaano iyo tuulooyin".

Dhimashadda Qaroole ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii dagaal ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan uu ku naf-waayay nabadoon Cilmi Hagar Guure, oo hormuud u ahaa "kacdoonka shacabka".

Guusha "wadajir ayay ku imaanaysaa"

Ku simihii hore ee agaasimaha hay'adda sirdoonka haddana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Yaasiin Farey, ayaa sheegay "in aan laga maarmayn in taliyeyaasha horkacaan howlgalada".

Wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu kaga waramay shaqsiyadda Farxaan Qaroole oo uu ku sifeeyay "shaqsi geesi ah oo si fiican u yaqaana xeeladaha kooxaha argagixisadda".

Qaroole ayaa horey u soo noqdey taliyaha ciidamadda booliska Haramcad oo dowladda Turkiga ay u tababartey ka hortagga rabshadaha iyo weeraradda kooxaha argagixisadda ah.

Kahor inta aan lagu darin booliska, Farxaan oo darajadda Sareeyo Guuto loo dalacsiiyey kahor inta uusan noqon Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa kamid ahaa hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka.

"Lama kala nafwayne ciidamadda iyo taliyeyaasha. Ciidan in aad u dirto howlgal oo aad ka harto wax macno ah ma sameyneyso. Ciidanka iyo taliyeyaasha isla socdo ayay guusha ku imaanaysaa," ayuu xusay.

Shacabka iyo Al-Shabaab "waa isku kaceen".

Mar la waydiiyey qaabka ay dhimashadda Farxaan u saameyn karto howlgaladda safka ballaaran ee Al-Shabaab lagula dagaalamayo dalka oo dhan, Yaasiin Yarey ayaa hoos u dhigay "in ay cawaaqib-xumo u keeneyso".

Taas badalkeeda, wuxuu "fursad dahabi ah" ku sifeeyay "in ay isku kaceen shacabka iyo Al-Shabaab" kadib markii ay "kooxda argagixisadda ah bilowday in ay beegsato dadka kana gubto ceelasha iyo guriyahooda".

"Dagaal sidiisaba waa lagu dhimanaa waana lagu dhaawacmaa. Haddii dhimasho laga baqaayo macnaheedu in dagaal la galaa sax ma ahan. Marka dagaalkan waa fursad ay dadka iyo dowlada ka faa'iidi karaan," ayuu tibaaxay.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay, hal gaar riig ahna waa lagu gubay weerar la sheegay in maleyshiyaadka Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen goob ceel laga qodayay gobolka Gedo ee maamul goboleedka Jubaland.

Warar madax-banaan intaas ku daraya in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay sidoo kale isla goobta ku gubeen meydadka "shacabka ay laayeen". Sawirro iyo muuqaal ku faafay baraha bulshadda ayaa waxay muujiyeen "xaalad argagax leh".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM