Sacuudiga iyo Soomaaliya oo bilaabay fulinta heshiis iskaashi amni

Image
Wafdi ka socda Riyadh iskuna jira khuburo iyo saraakiil ciidan ayaa soo gaarey Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqortooyada Sucuudiga oo ka duulaysa heshiis iskaashi Milatari ah oo ay horay ula gashay dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa khuburo iyo saraakiil ciidan u soo dirtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weftigaan ayaa markii ay soo gaareen Muqdisho booqday xerada ciidanka ee Gen Gordan oo ah goob uu Emarat-ku ciidamo ugu tababaro Soomaaliya, waxaana lafilayaa in lagu wareejiyo saldhig ay ciidamo ugu tabbaari doonaan DFS.

Maraykanka, Turkiga iyo Emarat-ka Carabta ayaa horay saamayn ciidan ugu lahaa Soomaaliya, waxaase sanadihii ugu dambeeyey kordhay tirada dowladaha shisheeya ee doonaya inay ku lugyeeshaan dibudhiska ciidanka Soomaalida, inkastoo khuburada ammaanku tuhunsan tahay inay mustaqbalka fog saamayn gurracan ku yeelan doonaan ammaanka gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM