Saddex goob oo la geeyay Ikraan "ka horta inta aan la dilin"

Image
Hadalkan ayaa qayb ka ah falcelinta ka dhalatay Fahad Yaasiin oo markii ugu horreysay bixiyey wareysi dhaliyey muran xoogan

MUQDISHO, Soomaaliya – Korneyl Cabdullahi Cali Macow oo si dhow ula socday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, mararna badana ka hadlay ayaa jawaab ka bixiyey hadalka kasoo yeeray taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kornel Macow oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu ka been sheegay xogta kiiska Ikraan Tahliil ee uu soo bandhigay, sida uu hadalka dhigay.

"Warbaahinta horta waxa uu la wadaagay waa wax aan jirin waa been, ilmaha yaryarka ayaa xittaa fahmi karo," ayuu yiri Kornel Macow.

Sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in kahor inta aan la dilin Ikraan la geeyey saddex meelood, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in su’aallo laga weydiiyo Fahad.

"Ikraan Tahliil saddex meelood ayaa la geeyey, kahor inta aan la dilin, waana in Fahad Yaasin su’aallo laga weydiiyaa kiiskan," ayuu markale wareysiga ku yiri Kornel Macow.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday eedda uu jeediyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo Mahad Salaad Maxamed, isaga oo ku tilmaamay arrin la xiriirto naceyb iyo gef uu sheegay inuu u geysanayo madaxda qaranka Soomaaliyeed.

"Waxaa waayey inuu yiraahdo ra’iisul wasaarihii dalka, Al-Cadaala iyo Mahad Salaad ayaa ka dambeeyey meeshaas waxaa ka muuqdo naceyb iyo borobagaando oo u gefaayo madaxdii Ummadeed," ayuu raaciyey.

Kornelka waxa kale oo intaasi ku daray “Dadaa la dilay, dadaa la afduubay, dukumintiyaal waxaan heynaa gabdho 4 ahoo la kufsaday, markii dambana loola caray Galmudug,”.

Hadalkan ayaa qayb ka ah falcelinta ka dhalatay Fahad Yaasiin oo markii ugu horreysay bixiyey wareysi dhaliyey muran xoogan, kadib markii uu shaaciyey inay kiiska Ikraan ay ku lug lahaayeen Rooble, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Mahad Salaad iyo dowlado shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM