Saddex qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Beled Xaawo

Image

Beled Xaawo, Gedo – 26 Luulyo 2025 – Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, kuwaas oo kala ahaa hal qof rayid ah iyo laba askari, kaddib iska hor-imaad xoogan oo Jimcihii dhexmaray ciidamada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee magaalada Beled Xaawo, gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa sidoo kale sababtay dhaawacyo kale oo aan tiradooda si rasmi ah loo shaacin, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah iyo saraakiil ammaanka. Waxaa jira hoobiyaal dhowr ah oo ku dhacay xaafado katirsan magaaladda, kuwaasoo khasaaro sababay.

Xaaladda magaalada ayaa hadda deggan iyadoo dib loo soo celiyay adeegyadii isgaarsiinta. Si kastaba ha ahaatee, cabsi laga qabo in colaaddu dib u soo cusboonaato ayaa sababtay barakac sii kordhaya oo ay sameynayaan dadka deegaanka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu billaabey dagaalka.Gobolka Gedo ayaa muddo dheer ahaa meel ay xiisado siyaasadeed iyo ciidan ka jiraan, taasoo marar badan keentay isku dhacyo u dhexeeya ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Dagaalka Beled-Xaawo ayaa billowday markii uu magaaladda gaarey Janan oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Hay’adda NISA ee Jubbaland, sida uu shaaciyay Agaasimaha Guud ee NISA, Mahad Salaad.

Janan ayaa sidoo kale loo magacaabay Madaxa Guud ee Hay’adaha Amniga gobolka Gedo, xilli uu weli wajahayo eedeymo culus oo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Janan uu hadda ku sugan yahay xero ciidan oo ku taal magaalada Balad-Xaawo, taasoo ay si buuxda u hareereeyeen ciidamada Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gelay Fowdo, Xildhibaano Lagu Caburinayo Hoolka

Dhacdooyinkan ayaa si weyn u kiciyay walaac ku saabsan badqabka wakiillada la doortay, madaxbannaanida Golaha Sharci-dejinta.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 08:57AM