Safaarada Mareykanka: Hal sawir oo ka wax sheeg badan kun erey

Image
Safaaradda ayaa u dabaaldegtey sanad guuradii sedexaad ee kasoo wareegtay markii ay Muqdisho usoo guurtay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa baahisay sawir aad ugu faafay baraha bulshadda oo ay kasoo muuqdeen shaqaalaha safaaradda iyo safiirka ee lagu magacaabo Larry Andre.

Safaaradda oo ku dhextaala xeradda aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa u dabaaldagaysa sanad guuradii sedexaad ee kasoo wareegtay markii ay Muqdisho usoo guurtay.

Balse marka aad hoos usii dhugato sawirka, waxaad arkaysaa in dadka Soomaalida ay ku yar yihiin inkasta oo laga yaabo in ay sababo ammaan aawadeed aysan uga soo muuqan sawirka.

Xeerarka dublamaasiyadda adduunka ayaa wuxuu dhigayaa in safaaradaha ay shaqo abuur u sameeyaan dadka muwaadhiniinta dalalka ay joogaan safaaradahaas, gaar ahaan shaqooyinka aanan dublamaasiyadda ahayn ee ah kuwa xirfadaha caadiga ah.

Arrintan waxaa safaaradda Maraykanka la qaba safaaradaha kale ee dalka ka shaqeeya, kuwaas oo weli ku dhex shaqeeya xeendaabka xeradda weyn ee Xalane.

Inkasta oo dalka ay ka jiraan duruufo amni oo ay adagtahay in la sugo raadraaca qofka, haddane weli marmarsiimo ku filan ma ahan in aanan Soomaali laga shaqaalaysiin safaaradaha.

Marka sawirka dhanka kale laga eego, waxa muuqanaysa sii kordheysa ee Soomaaliya u leedahay Maraykanka, waxaana dhismaha ka muuqda in uu yahay dhisme dhagax ah xilli safaaradaha kale ay ku jireen kunteenaro.

Safaaradaha Maraykanka ayaa  inta badan shaqadeedu tahay arrimaha gargaarka, hawlaha amniga iyo siyaasadda ee dalka ka socdaa, waxaana aad u yar hawlaha fiiso bixinta iyo adeegyadii kale ee ay Safaarad bixin jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM