Safarka Maxamed Farmaajo ee "madaxwayne aan dhicin"

Image
Adeegsiga ciidamo calooshood-u-shaqeystayaal ah oo ay maalgeliyeen dowlado shisheeye ayaa qorshahan lagu fulinayaan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya in Talaadadda berri oo ku beegan 12-ka April ay xusaan sanad-guuradii 62aad ee kasoo wareegatay markii la yagleelay sanadka markii uu ahaa 1960-dii.

Xuska ayaa kalkan wuxuu kusoo aaday iyadda oo xasarado siyaasadeed oo salka ku haya dib-u-dhacyo hareeyay doorashooyinka iyo hogaanka dalka oo muddo xileedkiisa dhamaadey kuna fashilmay xil-wareejin nabad ah.

Tani ayaa horseeday walwal iyo cabsi ay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ka muujinayaan in taliska waqtigu ka dhamaadey ee Farmaajo uu munaasabadan ugu adeegsan karo oor-kacsi siyaasadeed ama isku-day inqlaab.

Safarka "madaxwayne aan dhicin"

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka, ayaa kamid ah shaqsiyaad dhif ah oo aaminsan in Farmaajo uu shantii sano lasoo dhaafay isku dayey in uu ciidanka ugu adeegsado in uu noqdo "madaxwayne aan dhicin".

Tuuryare oo bilooyin kahor ku guuldareystay damac ku aadan kamid noqoshadda baarlamaanka 11aad ayaa ku eedeeyay Farmaajo "burburinta guutooyin kamid ahaa ciidamadda sababo ku aadan ku shaabateynta hal beel".

"Ciidamada kale ee qeybaha kala duwan ee xooga (Qeybta 12 April, Q.21aad, Q.54aad, Q.27aad IWM) Farmaaja waa uga deray oo iyagoo shaqa dhismo iyo horumarin ku socoto ayuu xukunka yimid, in uu sii horumariyo iska daaye waa baab'iyay isagoo aaminsan lataliyayaashiisuna ku anqariyeen in ay u badanyihiin hal beel, iyaga iyo saraakiisha xukuntana uusan garab uga helidoonin in ay sharcidara ugu kaalmeeyaan oo ay u qabtaan dalka shacigana ula burburiyaan si uu madaxweyne aan dhicin Dalka uga ahaado," ayuu soo qoray.

Duminta dimuqraadiyadda cudurka ah

Hab-dhaqanka maamulka Farmaajo muujiyey shantii sano ee lasoo dhaafay oo ay kamid tahay beegsiga siyaasiyiin ay ku jiraan madaxwayneyaal iyo ra’iisul wasaare hore waa duminta dimuqraadiyada cudurka ahayd ee Soomaaliya.

Jeneraal Tuuryare oo qoraal kusoo daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa soo bandhigay qaar kamid ah "jariimooyinka iyo munkarka" siyaasadeed ee taliska Farmaajo ku geystay magaca ciidamadda xoogga Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sameystay guutooyin gaar ah sidda Gorgor iyo Haramcad kuwaasoo ay tababartey dowladda Turkiga laguna eedeeyay in ay ku milmeen siyaasadda ayna fuliyeen howlgalo huwan danaha Madaxtooyadda Soomaaliya.

"Howlgelintii ugu horeysay ee Danab iyo Gorgor uu M/W Farmaajo howlgeliyana waxay aheyd 9-kii April 2018 markii Baarlamaankii Qaranka lagu dumiyay oo Jawaari lagu afgambiyay hay'adii sharci dejinta oo asaaska u aheyd dowladnimadeenana lagu baabi'yay, markii ku xigtana waxay aheyd 19-kii Febaraayo 2021 oo 2-dii madaxweyne ee dhisay ciidankaas Hoteel ay deganaayeen lagu weeraray, sidoo kale lagu amray in ay rasaas ku furaan/huwiyaan  isla maalinkaas mudaaharaad ay hagaaminaayay Ra’iisul Wasarihii hore Xasan Cali Kheyre, madaxwyne hore Galmudg C/Kariin Guuleed iyo Hogaamiyaha Wadajir C/raxman C/Shakuur iyadoo la rabay in mudda kororsigii 2-da sano ee sharci darada ahaa lagu meel mariyo," ayuu hoosta ka xariiqay Tuuryarre.

Ku ololaynta magaca ciidamadda

Burburka ay Soomaaliya waqti xaadirkan kasoo kabanaysa waxaa horseed u ahaa afgambi ay in ka badan 30-sano kahor sameeyeen ciidamo taabacsan Jeneraal ciidan kaasoo isku tolay damaciisa shaqsiga ah iyo xukun maroorsiga.

Mucaaradka oo ka digay "isku-day afgembi cusub" ayaa cod dheer ku sheegay in Farmaajo uu u carqaladaynayo qabashadda doorashooyinka si uu baaqi ugu sii ahaado kursiga ugu sareeya dalka "waliba si baalmarsan dastuurka qabyada ah".

Jeneraal Tuuryare ayaa uga digay Farmaajo in uu mar kale ku oor-kacsado magaca ciidamadda si uu afar sano oo sharci ah uga helo shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay lataliyeyaashiisa in ay ka hor-istaagaan qadiyaddaas.

"Duqa hadduu la taliyayaal leeyahay ha u sheegaan yuusan is ceebeyn oo uusan ku ololeyn nafna ka raadin ciidan sidda ay ku dhismeen iyo akhyaartii dhistay la ogyahay dadkuna wax waa gartaan oo xataa Saraakiisha iyo ciidamada uu ka hor hadli doono waa ogyihiin waxa lasoo maray, waxa uu soo kordhiyay iyo waxa uu u dhibay ciidanka, waxaanaba ka baqayaa in ay qosolka isku celi waayaan marka uu hortooda ka faani doono lana yaabaan indha- cadeyskiisa oo waxay xusuusan doonaan ciidanki in markii ugu horeysay ay furimaha uga soo baxeen 2018-2019 iyagoo mushaar iska daaye gaajo iyo haraad dartii ugu jiri waayay kuna qasabtay dantu in ay mudaaharaadaan sidii shacab," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Baarlamaanka 11aad ee la doortey ayaa qorshuhu yahay in la dhaariyo 14-ka April, laba casho kadib xuska maalinta ciidamadda. Xildhibaanadda cusub waxay jaangoyn doonan qaab dalka u ekaanayo afarta sano ee nagu soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM