Safiirka cusub ee UK oo soo gaarey magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ee Kate Foster.

"Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi," ayaa la raaciyey bayaanka uu lagu faafiyey barta Facebook ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilli muddo xileedka Farmaajo uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan 2021, iyadda wali muran ka taagan yahay doorashooyinka.

UK ayaa kamid ah wadamadda qaban-qaabinaya shir lagu waddo in uu dhowaan Muqdisho ku dhexmaro madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulada oo khilaafkaas xal loogu goobayo.

Foster ayaa waxay bedelaysaa Ben Fender kaasoo soo gabgabeeyay joogitaankiisa diblumaasinimo ee Soomaaliya kadib dhowr sano oo uu Britain ku metelaayey safaaradda ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM