Safiirka Imaaraadka oo shaaciyey halka ay ku socotay Lacagta la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa ka warbixiyay lacag shalay Ciidamada amaanka dowladda Federaalka ku qabteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Safiirka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in lacagta dowladda ay qabatey aysan ahayn mid u socoty Safaaradda, balse ay ahayd mid loo waday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taasoo lagu bixiyo mushaaradka Ciidamada dalka.

Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa intaasi ku daray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka warqabtey in lacagta ay usoo socoto Ciidamada Imaaraadka uu ku tababaray magaalada Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka ayaa tababar siisay Ciidamo badan oo kuwa dowladda kamid ah iyo kuwa maamullada Puntland iyo Jubbaland oo ay sidoo kale bixiyaan bil kasta mushaarkooda.

Sarkaal katirsan Hay'adaha amniga dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Safiirka Imaaraadka uu ku sugnaa shalay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si uu usoo qaado lacagta ay qabteen Ciidamada NISA.

Hadalka Safiirka ayaa yimid kadib war kasoo baxay Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka oo ay ku sheegtay inuu socda baaritaan ku aadan halka ay ku socotay lacagta, dadka keenay iyo ujeedka laga lahaa in lagu fuliyo. Halkan ka akhri Warka.
 
Lacagta la qabtey oo ku jirta saddex Boorso ayaa cadadkeeda lagu sheegay $9.6 million [Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Doolarka Mareykanka] waxaana la dhigay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
 
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka dowladda Federaalka iyo Imaaraadka uusan wanaagsanayn wiixii ka dambeeyay go'aanka Xukuumadda ay dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka Khaliijka.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM