Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Lacag lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Federaalka ayaa soo saartey War Saxaafadeed ay uga hadashay lacag la sheegay in laga keenay dalka Imaaraadka, oo maanta lagu qabtey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

Maanta barqadii abbaaro 11:40am waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737.

Diyaaraddan waxyaabaha ay sidday waxaa kamid ahaa 3 boorso aan calaamadeysnayn.

Hawl wadeennada garoonka ayaa sida caadada ahaydba waxa ay marsiiyeen baaritaan.

Shaqalaha garoonka oo ka shakiyay borsooyinka ayaa waxa ay xiriir la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxaa la ogaaday in boorsooyinkan laga soo buuxiyay lacag Doollar ah, waxa ayna haatan ku jiraan gacanta dowladda si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo.

Lacagta la qabtay waxa ay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo Doollarka Mareykanka ah).

Hay’adaha Amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo dalka.

Wasaraadda Amniga Gudaha waxa ahy caddeynaysaa in aysan jirin wax xadgudub ah oo ka dhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka.

Waxaa jira waddamo aan xiriir la leenahay oo taakuleeya Dowladda iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka diblomaasiyaded ee Somaaliya iyo Imaaradka Carabta uu hoos u dhacay wixii ka dambeyay markii Xukuumadda Khayre ay go'aanka dhex-dhexaadka ka qaadatey Khilaafka Khaliijka.

Dowladda Imaaraadka ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka taageeraysay dowladda Federaalka, iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland dhinaca tababarka Ciidamada iyo bixinta Mushaaraadkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM