Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo sanad kadib la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa sanad kadib waxay safiir cusub u magacaabatay safaaradda ay ku leedahay dalka Mareykanka.

Danjiraha cusub ayaa la yiraahdaa Cali Shariif Axmed, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ah.

Cali Shariif ayaa horey wuxuu u soo noqday diblumaasiga ugu sareeya howlgalka dalka dhaca Geeska Afrika ee wadamadda Itoobiya iyo Faransiiska.

Safiirka cusub ayaa wuxuu bedelaya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo haatan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.

Cawad ayaa wuxuu ahaa wakiilka Soomaaliya ee Mareykanka tan iyo sanadkii 2015-kii kahor inta aanan loosoo wareejin Wasaarada Xiriirka Caalamka.

Isaga oo xaqiijinaya in Cali Shariif loo dhiibay jagadaasi, wasiir Cawad ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Shariif uu dhowaan u socdaali doono Mareykanka.

"Dal ku galka baa haatan loo diyaarinayaan. Isbuucyada soo aadan buu [la wareegi doono shaqada safaaradda]," ayuu u sheegay muuqaal-baahiyaha Universal.

Mareykanka oo safka hore uga jira wadamadda muhiimka u ah diblumaasiyadda Soomaaliya ayaa wuxuu sidoo kale ka taageera amniga iyo siyaasadda.

Dhanka kale, wasiir Cawad ayaa daaha ka rogay in la magacaabey safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona UK, wallow uu ka gaabsaday in uu bidhaamiyo magaciisa.

Safaaradaha Soomaaliya ee Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa kamid ahaa kuwa kale oo aaney joogin safiiro balse haatan u muuqda in ay helayaan hogaan cusub oo dalka ku matali doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM