Sahanka Miisaniyadda Qaranka ee 2023-ka oo laga daahfuray Muqdisho

Image
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Sanatarro, Xildhibaanno, ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiyada Maaliyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta daah-furay kulan lagu falanqeynayay natiijada Sharciga Miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadka 2023-ka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgaley wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Sanatarro, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BJFS, aqoonyahanno, Warbaahinta madaxa bannaan, ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa-guray natiijada guulihii laga gaaray sharciga Miisaniyadda Qaranka ee 2023-ka, caqabadihii jiray iyo muhiimadda ay leedahay  u bandhigidda Sharciga Miisaaniyadda Qaranka qaybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare  Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa faahfaahiyay kaalinta guddiyada Maaliyadda iyo doorka ay ka qaataan guddiyadu, isagoo xusay in ay sii laba laabi doonnaan kaalintooda shaqo iyo ka qayb gelinta bulshada qeybeheeda kala duwan.

Kulanka, waxaa sidoo kale barbar socday doodo gaar gaar ah oo si faahfaahsan loogu falanqeeyay arrimaha Sharciga Miisaaniyadda 2023-ka iyo daah-furnaanta habka loo maamulay, loona qoondeeyay Miisaaniyadda Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM