Saldhigyada degmooyin ku yaala Muqdisho oo la qarxiyey

Image
Booliska ayaa xaqiijiyey in weerarkan loo adeegsadey bambooyinka gacanta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bambaanooyinka gacanta ayaa lagu weeraray saldhigyada booliska Wadajir, Hodon, Howlwadaag iyo Boondheere, oo katirsan Muqdisho, sidda uu sheegay afhayeenka Booliska C/fitaax Aadan.

Lama oga illaa hadda khasaaraha weerarka, oo u muuqda mid arbushaad ah, oo amniga Caasimadda lagu qal-qal gelinayo, xili doorasho ka socotay. Lix maalin kahor weeraro dhowr jiho ah ayaa lagu qaadey Kaxda iyo Yaaqshiid saldhigyo ku yaalla.

Sida ay sheegayaan warar horudhac ah, ciidamadda ammaanka ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan dableyda beegsatay afar degmo, waxaana qorshuhu yahay in loosoo bandhigo warbaahinta.

Ammaanka caasimada ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid aan la isku haleyn karin waxaana maleyshiyada Al-Shabaab ay kordhisay weeraradda safka ballaaran ee ay ka geysaneyso magaala madaxda.

Horaantii bishaan gaar ahaan xilli habeen ah, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga degmada Kaxda. Falkaas waxaa loo adeegsadey qarax is-miidaamin iyo weerar toos ah. Khasaaro u badan burbur hantiyeed ayaana ka dhashay.

Isla habeenkaas, maleyshiyadda ayaa beegsatay kolanyo waday mas'uul aaga Daaru Salaam. Sidoo kale, fariisimo ciidanka ku leeyihiin duleedka magaala madaxda ayay weerartay. Wadarta, geerida 5 qof ayaa lasoo wariyey.

Maalmo kahor dhacdooyinkaan, qarax is-miidaamin ayay ku weerartey kolanyo wadday ergada kuraasta gobolada waqooyi ee doorashada golaha shacabka. Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa la sheegay in uu sababay falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM