Sanbaloolshe oo ka xog-waramay qaraxyadii gilgilay Beledwayne

Image
Agaasimihii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa ku sugan xarunta gobolka Hiiraan.

BELEDWAYNE, HirShabelle – Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Agaasimiii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida qaranka oo ka hadlay qarixii lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa sheegay in uu ahaa mid siyaasadeysan oo la qorsheeyay.

Sanbaloolshe oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa mid ka mid ah kuraasta taal magaalada Beledweyne oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacay xalay magaalada Beledweyne ay ku dhinteen dad ka badan labaatan ruux soddomeeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

“Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu qaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan.”ayuu hoosta ka xariiqay Sanbaloolshe oo mar ka mid ahaa saraakiisha daacada u ahaa nidaamka Nabad iyo Nolol ee Farmaajo hoggaamiyo.

Agaasimihii hore ee NISA Sanbaloolshe, ayaa cadeeyay in qaraxyadan yihiin kuwo lagu doonayo in lagu qalqal geliyo doorashada dalka.

“Waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne si dib u dhac uga yimaada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u socon oo niyad jab uu hayo.”ayuu hoosta ka xariiqay.

Dadka ku dhintey qaraxii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Dhuxul oo u sharaxnaa kursiga HOP58 horena u soo noqday xildhibaan.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyad oo uu shaki wayn ka dhashay weerar lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dhowr qof kale. Qaraxyada ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Aamina Maxamed Cabdi waxa ay u ololaynaysay in dib loogu soo doorto deegaankeeda.

Sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka, qof ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay xildhibaanka, qarax kale ayaa lagu weeraray magaaladda intii uu socday gurmadka dadka waxyeelladu gaaray Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay filayaan in dhimashadu ay korodho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM