Sanbaloolshe oo ka xog-waramay qaraxyadii gilgilay Beledwayne

Image
Agaasimihii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa ku sugan xarunta gobolka Hiiraan.

BELEDWAYNE, HirShabelle – Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Agaasimiii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida qaranka oo ka hadlay qarixii lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa sheegay in uu ahaa mid siyaasadeysan oo la qorsheeyay.

Sanbaloolshe oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa mid ka mid ah kuraasta taal magaalada Beledweyne oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacay xalay magaalada Beledweyne ay ku dhinteen dad ka badan labaatan ruux soddomeeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

“Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu qaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan.”ayuu hoosta ka xariiqay Sanbaloolshe oo mar ka mid ahaa saraakiisha daacada u ahaa nidaamka Nabad iyo Nolol ee Farmaajo hoggaamiyo.

Agaasimihii hore ee NISA Sanbaloolshe, ayaa cadeeyay in qaraxyadan yihiin kuwo lagu doonayo in lagu qalqal geliyo doorashada dalka.

“Waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne si dib u dhac uga yimaada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u socon oo niyad jab uu hayo.”ayuu hoosta ka xariiqay.

Dadka ku dhintey qaraxii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Dhuxul oo u sharaxnaa kursiga HOP58 horena u soo noqday xildhibaan.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyad oo uu shaki wayn ka dhashay weerar lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dhowr qof kale. Qaraxyada ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Aamina Maxamed Cabdi waxa ay u ololaynaysay in dib loogu soo doorto deegaankeeda.

Sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka, qof ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay xildhibaanka, qarax kale ayaa lagu weeraray magaaladda intii uu socday gurmadka dadka waxyeelladu gaaray Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay filayaan in dhimashadu ay korodho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM