Sarkaal ay mar xirtay Al-Shabaab oo isu dhiibay DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah soo bandhigtay magaca iyo sawirka dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, Mukhtaar Maxamed Cabdi oo ku magac dheer Mukhtaar Ganey ayaa isla maanta wuxuu soo gaarey magaaalada Muqdisho.

Balse taliska ma uusan daboolka ka qaadin goorta uu soo goostay iyo kaalinta uu Mukhtaar ku lahaa kooxdu oo in muddo ka ahaa xubin aad u fir-fircoon.

Hasa yeeshee illo wareedyo ayaa waxay xaqiijinayaan in uu ka tirsanaa guutada loo yaqaano Jabha ee xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Xogta ayaa waxay intaasi ku dareysaa in gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed uu kasoo dagaalamay intii u dhaxeysay sanadihii 2008 illaa iyo 2013-kii.

Macluumaad laga helay hay’addaha ammaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay tilmaamayaan in Mukhtaar ay mar xabsiga dhigtay Al-Shabaab.

Xiligaasi ayaa la sheegay in looga shakiyey in uu cilaaqaad dhow la la leeyahay Abuu Mansuur Al Amriki oo kamid ahaa hogaamiyeyaashii soo maray ururkaasi.

Al Amriki ayaa lasoo wariyey in xoogaga ay dishay bishii September 2013-kii kadib markii qarxey is-qabqabsi ku aadan hogaanka dhaqdhaqaaqaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM