Sarkaal Boolis oo lagu khaarijiyey Muqdisho xili lagu raad-joogo "dilaaga"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu dilay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Cabduwahaab Aadan, madaxii dambi baarista saldhiga degmada Wabeeri ee gobolka Banaadir ayaa waxaa khaarijiyey askari kale oo ka tirsan isla ciidanka.

Falkaan ayaa abaare afarti barqinimo waxa uu ka dhacay isgoyska Dabka ee Muqdisho, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiisha.d

Ma cada sababta dhabta ah ee ka dambeysay falka lagu beegsaday Marxuumka oo goor dambe lagu aasey caasimadda kahor inta aan loo gudbin CID-da.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in dilka Cabduwahaab uu imaanayo saacado kadib markii uu soo xiray saddex askari kale wallow aan la hubin hadii uu xiriir la leeyahay arrintaasi.

Saraakiisha oo wali xiran ayaa xabsiga loo dhigay sababo ku aadan in ay "si khaldan u adeegsadeen qoryo".

Askariga falka dilka ah geystay oo durba meesha ka baxsaday ayaa waxaa u gaarsanaya ciidamada, sida uu taliska bileysku shaaciyey, oo rajo wanaagsan muujiyey.

Saldhiga degmooyinka ku teedsan isgoyska Dabka ee kala ah Hodan, Howlwadaag, Waaberi iyo Xamarwayne ayaa la faray in ay heegan galaan ayna soo qabtaan "gacan ku dhiiglaha".

Dhanka kale, askar ka tirsan ciidamada dowlada ayaa isgoyska Tarbuunka ee Muqdisho waxay ku dirireen lacag baad ah oo ay ka qaadeen gaadiidka rayidka waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay shacab.

Dilalka iyo iska hor-imaadka ciidamada Soomaaliya ee dhexdooda ah oo mudooyinkii dambe soo badanayay ayaa waxaa dhif ah in xubno xukun maxkamadeed lagu rido.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM