Sarkaal ciidan oo ku nafwaayey qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu ku naf-waayey qarax miino oo Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin dhanka nabad-gelyadda ah, wuxuu si gaar ah uga dhacay laamiga cusub ee degmadda Dayniile si gaar ah agagaarka Ceel Ifis.

Sidda ay muujinayaan warbixinada laga helayo saraakiil dhanka ammaanka ah oo la hadlay Garowe Online, sarkaalka ku geeriyooday qaraxaas ayaa lagu magacaabi jiray Cali Bariis.

"Marxuumka waxaa goobta looga qaadey dhaawac ahaan. Balse, waxaa la sheegay in uu u dhintay dhaawacaas markii la dhigay xarumaha caafimaadka," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay in ay geystaan maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka Soomaaliya oo xaqiijiyey dhacdadaas ayaa waxa aysan wali wax war ah kasoo saarin qaraxa iyo baaritaano ay ka sameeyeen goobta ay wax ka dhaceen.

Qaraxaan ayaa kusoo hagaagay iyaddoo isla maanta Muqdisho uu ka dhacay weerar madaafiic oo lala beegsaday xerada Xalane, wallow tirro kamid ah madaafiic ku habsadeen guri dad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM