Sarkaal ka tirsan FEIT oo qarax lagula eegtay Jowhar

Image
Waa qaraxii saddexaad oo miino ah oo ka dhaca sanadkan meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib markii gaari uu saarnaa Mahad Cumar Cabdi oo ka tirsan guddiga doorashooyinka heer Faderaal qarax lagula eegtay inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaaladaasi.

Mahad oo xubin ka ah guddiga doorashooyinka ayaa ka badbaaday weerarka balse qaar ka mid ah askartiisa ayaa qaraxa ku dhimatay sida saarkaal ka tirsan booliska uu u xaqiijiyay Garowe Online.

Gaariga qaraxu haleelay ayaa la socday kolonyo gaadiid ah oo ka baxday magaalada Jowhar kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar sida ugu dhoofaan magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kolonyada gaadiidka ayaa waxaa saarnaa siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dadkii goobjoog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar taasoo uu ku soo baxay Cismaan Xaadoole.

Waa qaraxii saddexaad oo miino ah oo ka dhaca sanadkan meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere iyadoo hore labadii qarax ay ku dhinteen 6 ruux oo rayid ah.

Hirshabeelle oo ka kooban labo gobol ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee ay ka howlgalaan ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika balse wali laguma guulaysan in laga hortago weerarada Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM