Sarkaal ka tirsan milatariga oo Xildhibaan loo doortay

Image
Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay xildhibaan Isgowe Derow Issak.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Gen Maxamed Sheekh Cabdulaahi Ciirow, taliyaha qaybta 60 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka dib codayn ka dhacday magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Gen Ciirow oo la rumaysanyahay in uu ka midyahay saaxiibada madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku soo baxay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-077 ee xubinnimada Golaha Shacabka.

Sarkaal oo wali wareejin xilka taliyaha qaybta ayaa heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13-cod.

Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay xildhibaan Isgowe Derow Issak.

Cabdicasiis Laftagareen oo la fahamsanyahay in uu u sharaxanyahay Jagada gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka shaqaynaya soo saarista xildhibaano uu codkooda ku tashan karo.

Saraakiisha ku biiray Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka mid ah taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon, Agaasimaha NISA, G/S Yaasiin Faray, Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliya Gen Bashiir Maxamed Jaamac iyo taliyihii hore ee Milatariga Indhaqarshe oo u sharaxan kursi yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wada hadaladii ugu dambeeyay golaha wadatashigan markii la soo gabangabeeyay heshiiskii la soo saaray waxa uu xeerinayay in ciidanka iyo saraakiisha aysan ku milmin arrimaha siyaasada dalka waxaana muuqanaysa in saraakiil sar sare ay ku biirayaan golaha sharci dajinta oo markii horaba jilicsanaa.

Koonfur Galbeed oo kka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaana maanta lagu doortay xildhibaano kale oo ku biiraya golaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM