​Sarkaal katirsan Al Shabaab oo iska dhiibay Gedo [DHAGEYSO]

Image

GARBAHAAREY, Somalia - Sarkaal sare, oo katirsanaa Al shabaab ayaa la xaqiijiyay inuu isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia, ee ka sugan gobolka Gedo.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka, Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Sarkaalkan uu iska soo dhiibay deegaan ku yaalla duleedka magaalada Garbahaarey.

Wuxuu sheegay in Sarkaalkan, markii uu isa-soo dhiibayay uu watay qori AK-47 ah iyo Bastoolad, mana la socon wax ilaalo ah, oo katirsan Al shabaab, waxaana loo gudbiyay saldhigga magaalada Garbaaharey.

Lama sheegin magaca ninkan iyo Darajada uu ka lahaa Al shabaab, balse waxay Saraakiisha gobolka sheegeen inay wadaan baaritaano, iyo Su'aallo la waydiinyo hogaamiyahan isku soo dhiibay.

Waa Hogaamiyihii 3aad oo mudo labo Todobaad isku soo dhiiba dowladda Federaalka Somalia, waxaa ka horeeyay Mukhtaar Roobow iyo nin kale oo lagu magacaabo Nuur Ibraahim Cabdullaahi, oo ahaa madaxii Caafimaadka gobolka Galgaduud.

Nuur wuxuu iska dhiibay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib xiriir uu lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidamada Militariga halkaasi ka howlgala, waxaana ninkan loo soo gacan geliyay Hay'adda Nabad Sugida (NISA), ee Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM