Sarkaal NISA oo gacanta ku hayay Baaritaanka isku-daygii dilka Xasan Sheekh oo la dilay
Muqdisho – Sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA), Abukar Muhiyaadin Axmed, 31 jir, ayaa habeenimadii Khamiista si qarsoodi ah loogu dilay xaafadda Siigaale ee magaalada Muqdisho, xilli uu hoggaaminayay howlgal amni oo la sheegay in lagu raadjoogay xubin looga shakisan yahay kooxda Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen ilo amni, howlgalka ayaa isu beddelay fal rasaas ah kadib markii la tuhunsanaa in eedeysanihii uu baxsaday. Faahfaahinta dhacdada ayaa weli si buuxda loo xaqiijin, hase yeeshee Abukar Muhiyaadin ayaa si daran loogu dhaawacay rasaas ka dhacday goobta, taasoo keentay geeridiisa. Meydkiisa waxaa arkay oo booliska kusoo wargeliyay dadka deegaanka Siigaale.
Captain Abukar oo ahaa madaxa agaasinka Sirdoonka Muqdisho, waxa uu hoggaaminayay baaritaan xasaasi ah oo la xiriiray isku daygii dilka Xasan Sheekh Maxamuud 18-kii March, weerarkaasi oo ka dhacay jidka isku xira Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Waxaa la qorsheeyay in uu Sabtidii la kulmo Madaxweynaha si uu warbixin uga siiyo horumarka baaritaanka.
Geeridiisa ayaa dhaliyay tuhunno culus oo la xiriira ammaanka gudaha ee NISA. Ilo sirdoon ayaa sheegay in ay jirto cabsi ah in Abukar si kas ah loo beegsaday, maadaama uu gacanta ku hayay xog xasaasi ah oo la xiriirta weerarkii Madaxweyne Xasan Sheekh.
NISA ayaa la sheegay in ay xir-xirtay saraakiil dhowr ah oo la socday Abukar habeenka uu geeriyooday si baaritaan loogu sameeyo dhacdada. Arrintan ayaa si weyn u soo celisay dood horey u jirtay oo ku saabsan suurtagalnimada in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhex-galeen hay’adda Sirdoonka.
Khubarada amniga ayaa sheegay in NISA si xad dhaaf ah ugu dhex milmeen xubno xiriir la leh Al-Shabaab. Sannadkii 2021 ay Ikraan Tahliil, oo ahayd sarkaalad dhallinyaro ah oo ka tirsanayd NISA lagu dhex-dilay xarunta hay’adda, iyadoo aan ilaa maanta la helin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan cida dishay.
Dowladda Federaalka weli si rasmi ah ugama hadlin dilka Abukar Muhiyaadin Axmed, mana cadda haddii ay saamayn ku yeelan doonto baaritaanka la xiriira weerarkii lagu qaaday Madaxweynaha. Qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa sugaya caddaalad iyo xog rasmi ah oo lagu kala caddeeyo xaqiiqada ku saabsan dilkan qarsoodiga ah.
GAROWE ONLINE