Sarkaal sare oo kasoo goostay Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa wuxuu soo bandhigay dagaalame ay sheegeen in uu ka tirsanaa kooxda gacan-saarka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

Xuseen Xasan Ambeerwa oo la tilmaamay in uu muddo kamid ahaa xoogagaasi ayaa waxa uu iska dhiibay degaanadda Jubbaland, halkaasi oo ciidamada dowladda ay kusoo dhaweyeen.

Wareysi laga qaadey ayuu Ambeerwa shaaca ka qaadey xogo xasaasi ah oo ay kamid tahay in uu "khilaaf ka dhex-jiro" hogaanka Al-Shabaab, taasina ay keentay in uu soo baxsado.

Taliska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed kasoo saarey isa soo dhiibitaanka sarkaalkan ayaa ku tartarsiiyey xubnaha baaqiga kusii ah Al-Shabaab in ay kasoo baxsadaan.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo bilooyinkii lasoo dhaafey ay isa soo tarayeen dagaalameyaasha Shabaabka kasoo baxsanaya ee isu soo dhiibaa ciidanka dowladda ee Jubooyinka.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2019, in ka badan tobban dagaalame oo Al-Shabaab kamid ahaa ayaa iska dhiibay gobolkaasi, kuwaasi oo qaarkood ay ku jireen saraakiil sar-sarre.

Intaasi waxaa wehlisa in ay jiraan tirro kale oo goboladda kale ee dalka sida Shabeelooyinka iska dhiibay, kuwaasi oo sheegay in ay ka tanaasuleen fekerkii xagjirnimadda.

Qaar kamid ah xubnahaasi ayaa loosoo duuliyey Muqdisho, waxayna haatan ku sugan yihiin xarunta nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka oo dhaqan-celin loogu sameynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM