Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen
EYL, PUNTLAND — Warar hordhac ah oo ka imaanaya xeebaha gobolka Nugaal ayaa sheegaya in saxiimad ay saarnaayeen afar qof lagu burburiyey weerar ka dhacay meel u dhow degmada Eyl. Dadkii saarnaa saxiimadda ayaa la sheegay inay dhammaantood dhinteen.
Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward, oo burcad-badeeddu qabsadeen 26-kii Abriil 2026. Hase yeeshee, dadka deegaanka qaarkood ayaa arrintaas beeniyey, iyagoo sheegay in saxiimaddu aysan ku sii jeedin markabka la afduubtay.
Ilo maxalli ah ayaa sidoo kale sheegaya in maraakiib shisheeye iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu arkayey aagga maalmihii ugu dambeeyey. Warar aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa weerarka lala xiriirinayaa ciidamo Turki ah oo ka hawlgala xeebaha Soomaaliya.
Ilaa hadda, dowladda Puntland, dowladda Turkiga iyo hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya ammaanka maraakiibta kama aysan soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya weerarka, tirada dadka dhintay ama cidda fulisay.
Taariikhda markabka Sward
MV Sward waa markab xamuul oo calanka St Kitts and Nevis sita, kaas oo shamiito ka soo qaaday Masar kuna sii jeeday dekedda Mombasa ee Kenya markii burcad-badeeddu ku qabsadeen meel u dhow xeebaha Garacad.
Warbixinno ay soo saareen hay’adaha ammaanka badaha ayaa sheegay in markabka ay la socdeen shaqaale gaaraya 16 ama 17 qof. Markabka ayaa tan iyo afduubkiisa lagu hayey xeebaha Puntland, iyadoo la sheegay in burcad-badeeddu mararka qaarkood u adeegsanayeen markab-ay ku soo qabsadaan maraaakiibta kale ee maraysa biyaha caalamiga ah.
Sward wuxuu ka mid yahay dhowr markab oo sannadkan lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, waxaana weli jira walaac laga qabo dib-u-soo-noqoshada burcad-badeedda iyo khatarta ay ku hayaan ganacsiga badda iyo dadka ku nool xeebaha Puntland.
Warkani waa hordhac, waxaana la cusboonaysiin doonaa marka la helo faahfaahin rasmi ah.
GAROWE ONLINE