Senatar sheegay in xeerka Batroolka uu wali yahay "Hindise Sharciyeed"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senatar Maxamuud Mashruuc oo katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay ansixintii Gollaha Shacabka ee xeerka Batroolka dalka, oo xildhibaanada u codeeyeen shalay.

Senator-ka ayaa ku tilmaamay sharcigan la meel-mariyay inuu lamid yahay sharuucda kale ee dalka, taasoo lagu hago habraaca sharci dejinta sida ku cad qodobbada 82aad iyo 83aad ee daatuurka KMG.

Mudane Masharuuc ayaa dhanka kale sheegay in sharci ahaanshaha xeerka bartoolka uu sax noqonayo marka uu kasoo gudbo Aqalka Sare, kadibna uu saxiixo Madaxweynaha, laguna baahiyo faafinta rasmiga.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in hadii uusan xeerkan kasoo gudbin labada Aqal ee Baarlamaanka, sidoo kalena saxiixin Farmaajo uu baaqi kusii ahaan doono "Hindise Sharciyeedka Batroolka".

"Xiisaha gaarka loo hayo sharcigan, iyo duruufaha dalku marayo fahan qoto dheer ayuu u baahan yahay," ayuu Senator Mashruuc ku yiri qoraal kooban uu uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xeerka Batrool ayaa wali waxaa isku khilaafsan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyad dalka, oo dalbanaya in la joojiyo ilaa heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaaro, islamarkaana laga-talo gelinayo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dooneysa inay bixiso dhamaadk sanadkan shatiyo sahmin shidaal ah, oo ay siinayso shirkaddo shisheeye, iyadoo xogta shidaalka wadanka lagu soo bandhigay shirkii London bishii Febuary ee sanadkan.

Lama oga go'aanka uu Aqalka Sare oo matala dowlad goboleedyada ka qaadan doono meel-marinta xeerka Batroolka ee kasoo gudbay Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM