Senator Maxamed Gaagaab oo ku geeriyoodey dalka Turkiga

Image
Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida mudanaha oo arrimo caafimaad u joogay Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Xasan Sheekh ayaa xusay in marxuumku uu door wanaagsan ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo siyaasadda dalka, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku suntanaa Soomaalinimo iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ku mannaysto, qoyskii iyo ehelkii uu ka baxayna ka siiyo samir iyo iimaan.

Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa dhankiisa wuxuu yiri: "Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland, hadana ahaa senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Soomaaliya, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo geeriyooday, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalka iyo dadkaba, isagoo ka mid ahaa aasaasayaaahii Puntland isla markaana xilal kala duwan soo qabtay.

Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeynayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inagana samir iyo iimaan Allaah ha inagasiiyo. Aamiin.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM