Caalamka oo la ogeysiiyey in ay Dhuusamareeb ku dhow dahay dagaal

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warqad u diray Beesha Caalamka ayaa ka digay rabshado ka dhici kara Dhuusamareeb hadii dowladdu doorasho ku qabato caasimada Galmudug.

Suurtagalnimada in isku dhac uu yimaado ayaa "aad u sareysa," sidda ku xusan warqadda oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

"Aad bey nasiib daro u tahay in dowladda federaalka ay dooratay jidkaas ayna sii wado qorshaheeda ka dhanka ah dastuurka iyo saamildeyda siyaasadeed," ayaa lagu yiri qoraalka oo English ku qoran.

Xukuumadda ayuu ku eedeeyay in ay iska indha-tirtay talooyin loo jeediyey oo ku saabsan in ay si daacadnimo ah u wajahdo mushkiladaha.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mas'uul ka noqoneysa geerida iyo burburka hantiyadeed ee dhasha [iska hor-imaadka]," ayaa lagu daray.

Faragelin looga hortagayo qalalaasaha ayuu dalbaday, isagoo dowladda ku booriyey in ay diyaar u noqoto wada-hadal siyaasadeed oo nabdoon.

"Sidda  had iyo jeerba, waxaan idin kaga mahadcelinaynaa taageeradiina Soomaaliya, si gaar ah Ahlu Sunna Waljameeca iyo dadka Soomaaiyeed idinkoo usoo marinaya dowladooda," ayuu kusoo afjaray warqada.

Warqadan oo ku taariikheysan 1-da Febraayo 2020 ayaa soo ifbaxeysa iyaddoo laga digay gacan ka hadal xili garabka taabacsan Villa Soomaaliya ee Galmudug uu isku diyaarinayo doorasho uu Dhuusamareeb ku qabto.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM