Caalamka oo la ogeysiiyey in ay Dhuusamareeb ku dhow dahay dagaal

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warqad u diray Beesha Caalamka ayaa ka digay rabshado ka dhici kara Dhuusamareeb hadii dowladdu doorasho ku qabato caasimada Galmudug.

Suurtagalnimada in isku dhac uu yimaado ayaa "aad u sareysa," sidda ku xusan warqadda oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

"Aad bey nasiib daro u tahay in dowladda federaalka ay dooratay jidkaas ayna sii wado qorshaheeda ka dhanka ah dastuurka iyo saamildeyda siyaasadeed," ayaa lagu yiri qoraalka oo English ku qoran.

Xukuumadda ayuu ku eedeeyay in ay iska indha-tirtay talooyin loo jeediyey oo ku saabsan in ay si daacadnimo ah u wajahdo mushkiladaha.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mas'uul ka noqoneysa geerida iyo burburka hantiyadeed ee dhasha [iska hor-imaadka]," ayaa lagu daray.

Faragelin looga hortagayo qalalaasaha ayuu dalbaday, isagoo dowladda ku booriyey in ay diyaar u noqoto wada-hadal siyaasadeed oo nabdoon.

"Sidda  had iyo jeerba, waxaan idin kaga mahadcelinaynaa taageeradiina Soomaaliya, si gaar ah Ahlu Sunna Waljameeca iyo dadka Soomaaiyeed idinkoo usoo marinaya dowladooda," ayuu kusoo afjaray warqada.

Warqadan oo ku taariikheysan 1-da Febraayo 2020 ayaa soo ifbaxeysa iyaddoo laga digay gacan ka hadal xili garabka taabacsan Villa Soomaaliya ee Galmudug uu isku diyaarinayo doorasho uu Dhuusamareeb ku qabto.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM