Dad ku dhimatay ismiidaamin ka dhacdey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shan qof oo rayid ah, oo uu ku jiro canug yar, ayaa la dilay kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay booliska.

"Abaarihii 7-dii fiidnimo (16:00 GMT) fiidnimo, qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay goob shaaha laga cabo oo ay ku badnaayeen dhalinyarada," ayuu qoraal ku yiri afhayeenka bilayska, Sadiq Dudishe.

Wuxuu intaas ku daray hadalkiisa: "Lix qof oo afar ka mid ah ay yihiin dhalinyaro, canug, iyo qofkii isqarxiyay ayaa ku dhintay qaraxa. Afar kale waa la dhaawacay".

Qof goobjooge ah ayaa tibaaxay in ninka isqarxiyay uu dhex galay dad badan oo shaah ka cabayay maaqayadda oo ku dhow saldhig boolis, xarunta degmada Shangaani iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

"Waxaan ka soo baxayay maqaaxi dhowr boqol mitir u jirta halkii uu qaraxu ka dhacay, aad baan uga naxay qaraxa waana uu weynaa. Waxaan arkay dad ku soo yaacaya goobta oo dhaawacyo la qaadayo," ayuu yiri goobjooge Cali Maxamed.

Maxamed ayaa raaciyey: "Booliska ayaa xiray aagga, laakiin waxaan arkay dhowr meyd oo lagu qaaday ambalaas, waxay ahaayeen dhalinyaro, labo kamid ah waxay ahaayeen kuwa deganaa xaafadda aan ku noolahay".

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay maleyshiyada Al-Shabaab.

Aroornimadii isla Sabtida maanta ah, qaraxyo lagu weeraray saldhiga degaanka Bariire iyo degmada Awdheegle ayaa sababay dhimasho badan. Al-Shabaab iyo ciidamadda waxay ka kala sheegtay guulo kala duwan.

Dhacdooyinkan ayaa waxay kusoo hagaageen xilli Muqdisho ay maanta si horudhac ah ugu kulmeen hogaamiyeyaasha Soomaalida kuwaasoo ka arrin-sanaya masiirka doorashooyinka waqtigii loo balsanaa laga soo gudbay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM