5-ta qodob ee ugu culus warbixinta NYT ee Farmaajo

Image

NEW YORK, USA – Jariirada afka dheer kasoo baxda waddanka Mareykanka, New York Times, ayaa daabacdey warbixin dheer oo ay uga faalootay xaaladda Soomaaliya iyo shaqsiyada madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qormadda oo soo baxdey Jimcadii, 30-ka April, 2021, ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "Mas'uul ka yimid Buffalo oo Soomaaliya ku jiidaya qarka".

Buffalo oo ah magaalada labaad ee ugu weyn ismaamulka New York ee dalka Mareykanka ayaa ah goobtii uu waddankaas kaga noolaa Farmaajo kahor inta uusan afar sano kahor dib ugu soo laaban Soomaaliya noqonna madaxwayne.

Warsidaha Garowe Online ayaa halkan kuugu soo gudbinaya shanta qodob ee ugu culus ee ku jira warbixinta kuna saabsan hogaaminta iyo maamulka Farmaajo.

- In go’aanka uu dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka dib-isaga-celiyey ay ka dambeysay markii mas'uuliyiinta dakhliga ay baaris ku bilaabeen hantidiisa

- In uusan wali iska celin dhalashadiisa waddanka Canada oo uu qaatay kahor inta uusan u guurin Mareykanka isla markaana uusan noqon muwaadin.

- In mudadii uu ku noolaa Buffalo uu diidey in uu iska casilo jago uu ka haayey urur ay ku mideysan tahay jaaliyada arrintaas darteedna u kala jabay

- In mudadii uu sharciyadda u haystay xilka madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu ku hogaaminayey dalka "siyaasad cakiran oo qabyaalad ku dhisan"

- In Soomaaliya ay qar u saaran tahay isaga awadiid maadaama wali xafiiska joogo isla markaana uu diidan yahay qabashada doorashooyin daahfuran

Xafiiska Farmaajo, kan warfaafinta Madaxtooyadda iyo guud ahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin warbixinta NYT.

Maxamed wuxuu tagay Mareykanka sanadkii 1985 isagoo ah diblomaasi yar oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya. Maadaama dalka uu colaadda galay, wuxuu go'aansaday in halkaasuu sii joogo.

Warar ayaa sheegay in marka hore uu magangalyo siyaasadeed ka dalbaday Canada, halkaasoo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalihiis, markii dambena uu qaatay baasaboor waddankaas.

Hasa ahaatee horaantii 1990-meeyadii, Maxamed, oo xilligaas aqal-galay ama guursaday, wuxuu dib ugu noqday Mareykanka halkaas oo ugu dambayn qoyskiisu degeen si gaar ah Grand Island, oo kaabiga ku haysa Buffalo iyo Niagara Falls.

Taariikhda ayuu ka bartay Jaamacadda Buffalo, kadib muwaadin Mareykan ah ayuu noqdey. Wuxuu Jamhuuriga musharraxa ugu noqdey doorashooyinka gobollada. Sanadkii 2002, wuxuu ka shaqo bilaabay Wasaaradda Gaadiidka ee gobolka New York.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM