DF oo lagu riixayo qeexida masiirka askarta loo diray Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kiiska askarta Soomaaliyeed ee sida qarsoodiga ah tababarka loogu diray Eritrea kadibna laga dagaalgeliyey gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray ayaa qabsadey warbaahinta dalka.

Labadii madaxwayne ee xafiiska kaga horeysay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala ah; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeeyay mas'uuliyiinta ka hadashay.

Xasan oo hadda kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa ayaa hoosta ka xariiqay in mas'uuliyada shaacinta masiirka dhalinyaraddaas ay tahay mid waajib ku ah cid walba.

"Lama aqbali karo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladdu dirtay aan warkooda la heynin. Mas’uuliyiintii howshaas ka dambeeyay waa in ay waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed u caddeeyaan masiirka carruurta Soomaaliyeed," ayuu Xasan Sheekh ka sheegay munaasabad shalay ku qabsoontay magaala madaxda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku baaqay in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo qadiyadan isla markaana ay mas'uuliyadeeda ay cid un dusha saarato.

"Waxaan ka walaacsannahay Warbixinta ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka ee ka hadlaysa xaaladda askarta Soomaalida ee loo qaadey Eritrea ee lagu sheegey ku lug lahaanshaha dagaalka Ethiopia," ayuu ku bilaabay.

Wuxuu ku daray: "Waxaan ku baaqeynaa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo halkii ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas, iyadoo aan Xukuumadda usoo jeedinayno inay ka jawaabto baaqyada waalidiinta ubadkoodu maqan yihiin oo warbixinta lagu sheegey in ay qayb ka noqdeen dagaallo ka dhacay magaalada Agsum ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya".

"Ugu dambeyntii waxaan walwalka la qaybsanaynaa waalidiinta iyo ehelka dhalinyaradaas la la’yahay, waana arrin ay tahay in mas’uuliyaddeeda lagula xisaabtamo madaxda dowladda ee ka dambeeyey falkaas foosha xun," ayuu kusoo xiray.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta kaga imaaneysa siyaasiyiinta. Balse, waxay horey u xaqijisay in askar ugu dirtay Eritrea, iyaddoo gaashaanka ku dhufatay sheegashooyinka la xiriira gobolka Tigray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM