Sharmaake: Farmaajo shaar si qaldan loo tolay ayuu raadinayaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu isku dayayaa in uu isku milo ololihiisa soo laabashadda iyo qabashada doorasho hufan, sida uu shaaca ka dhigay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Sharmaake oo wareysi siiyey Hanoolaato ayaa daaha ka rogay in muhiim ay tahay in ahmiyad gooni ah la siiyo sidii dalka uga qabsoomi lahayd doorasho habraaca loo marayo ay door ku leeyihiin dhamaan dhinacyada ay khuseyso.

Sidda laga soo xigtay Sharmaake oo laba jeer soo qabtay xilka ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, mudadii ay jirtay dowladda Farmaajo waxaa "dhaawacmay" shan mabda' oo aas-aas u ahaa xoojinta dowlnimadda Soomaaliya.

Dib-u-heshiisiinta, nidaamka federaalka, ammaanka, dhexdhexaadnimadda ciidamadda iyo qadiyadda Somaliland ayuu ku kala sheegay.

"Dowladdan afartii sano ee ay joogtay waxaa soo baxay dad dhahaya annaga reeraheena federaalka waa ku dulman nahay. Way dhici kartaa dad qaarkood in aysan fursad ka helin maamuladda dhexdooda laakiin taas in aan saxno waaye. Laakiin, ma ahan in wixii dhisnaa in la dumiyo," ayuu xusay.

Dhanka kale, kaalinta ra'iisul wasaaraha ee xilliga kala guurka ayuu cod dheer ku sheegay in hadda loo maareynayo si ka duwan qaababkii hore.

"Afartii sano ee lasoo dhaafay siyaasadda Soomaaliya waxaa lumay dheelatirka Ra'iisul Wasaaraha. Ra'iisul Wasaaraha waa siyaasad ma ahan maamul. Ra'iisul Wasaarihii ayaa hadda waxaa loo keenay in meel maamul kaliya in uu ka hadlo am aka shaqeeyo. Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxaa loo sameeyay in siyaasadda ay ku socoto si siman oo dhinac uusan raran. Taas dhan ayaa meesha ka maqan taasaana dhibaatada keentay," ayuu tibaaxay.

Farmaajo ayuu si adag wuxuu ugu booriyey in uu u turo waddanka isla markaana uusan u horseedin colaad isla markaana uu muujiyo hogaamiyenimo.

"Doorashadda shaar ma ahan uma tolan kartid sidaad rabto. Madaxdii hore way ka shaqeyn jireen in ay doorashadda kusoo laabtaan haddana shaarka lama ekaan jirin. Farmaajo malaha wuxuu raadinayaa shaar si qaldan loogu tolay harqaanka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM