Sharmaake oo ka digay heshiis DF la galeyso Eritrea iyo Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa cod dheer wuxuu kaga digay heshiis dhanka amniga ah oo maamulka waqtiga ka dhamaadey Farmaajo uu ku fekerayo in uu la galo dowladaha dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Sidda laga soo xigtay Sharmaake oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka waqtigiisu dhacay 27-kii December, 2020-kii, heshiiskaas waa halis u baahan in si gaar ah looga feejignaado.

Mr Sharmaake oo aan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan heshiiskaas ayaa si aan toos ahayn uga dhawaajiyey in heshiiskaas qorshuhu yahay in lagu saxiixo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

"Heshiiska amni/difaaca ee lagu waddo in uu dhexmaro Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya waa khatar u baahan fiiro gaar ah. Dhamaad la’aanta si xun u adeegsiga waaxda nabad-gelyadda awadeed, waa qadiyad ay tahay in aad looga walaaco haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda uu dhamaadey ay isku daydo in ay heshiis noocaas ah ku gasho Addis Ababa," ayuu Sharmaake ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Dhawaqa Sharmaake ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan warar sheegaya in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo uu qorsheynayo socdaal uu ugu ambabaxo waddanka Itoobiya.

Illo diblumaasiyadeed ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in wakiiladda Beesha Caalamka oo ay gaartay xogta safarka Farmaajo ay ku cadaadinayaan in uu baajiyo safarkaas sababo la xiriira xaalada cakiran ee waddanka wajahayo gaar ahaan is-faham-waaga dhanka doorashadda.

Tan iyo markii uu xafiiska loo doortay afar sano kahor, Farmaajo oo aad loogu dhaliilay in uu siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya kusoo koobay Geeska Afrika lumiyeyna xulafo badan oo dalku lahaa ayaa kula shuraakoobay Itoobiya iyo Eritrea dhismaha isbaheysi sadexda dal ku kooban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM