Sheekh Shariif: Doorasho La Boobo Soomaaliya Kama Dhici Karto

Image

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay xannibaado ku soo rogtay isaga iyo taageerayaashiisa, isagoo sheegay in laga jaray adeegyada aasaasiga ah isla markaana la hor istaagay dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu Sheekh Shariif ku sheegay in korontada, biyaha iyo raashinka laga joojiyay xarunta uu ku sugnaa, isla markaana la diiday in taageerayaashiisa iyo martida kale ay galaan goobta.

“Waxaa nagala gooyay korontadii, waxaa nagala gooyay biyihii, waxaa naloo diiday raashinka, waxaana naloo diiday dadka noo imanaya inay noo soo galaan. Waxyaabahaas oo dhan waxay ka soo horjeedaan dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiga ah,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si adag uga hadlay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka, isagoo sheegay in aan la aqbali karin doorasho uu maamulka talada haya kaligiis maamulo ama go’aamiyo natiijadeeda.

“Doorasho la boobo ama nidaamka jooga uu isagu isu sameysto ma jiri karto. Doorasho heshiis lagu yahay oo xalaal ah ayaa dalka lagu hoggaamin karaa,” ayuu sheegay.

Madaxweynihii hore ayaa dowladda ku eedeeyay inay ciidamada ammaanka u adeegsaneyso cabburinta mucaaradka iyo hor istaagga isu-soo-baxyada ay qorsheynayeen, kuwaas oo uu sheegay inay la xiriireen arrimo siyaasadeed iyo xaaladda dadka barakacay.

Wuxuu sheegay in ciidamada loogu talagalay difaaca dalka iyo sugidda amniga loo adeegsaday cadaadis lagu saarayo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

“Anagu cadawga dalka ma nihin. Waxaan nahay dad ka qayb qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. In xabad nagula soo rido ama nala cabburiyo waa arrin ka fog akhlaaqda iyo dowladnimada,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa mas’uuliyadda dhacdooyinkii ugu dambeeyay dusha ka saaray Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, isagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyo tallaabooyinka lagu xannibay dhaqdhaqaaqyada mucaaradka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay madaxweynihii hore, kuwaas oo kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM

Degganaansho oo Kusoo Laabatay Muqdisho Kadib Labo Maalin oo Dagaal Ah

Dhanka kale, saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sii wada dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 06:40AM