Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh ku eedeeyay "kaligii talisnimo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu laalay awoodihii Baarlamaanka, Gollaha Wasiiradda iyo Maxkamadaha, islamarkaana uu ku dhaqmayo "kaligii talisnimo".

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id oo isaga iyo xubno kamid ah mucaaradka oo uu ku jiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu Sheekh Shariif sheegay in dalka meesha hadda kasoo kabanayo dib uga laaban doono hadii xukunka laga dhigo mid hal qof gacantiisa ku jira.

Wuxuu Sheekh Shariif intaasi ku daray in loo baahan yahay nidaamka doorashadda in laga wada xaajooda, oo uu noqdo mid loo dhan yahay dhamaan saamileyda siyaasadda dalka, waxaana uu ka digay colaada ka dhalan karta hadii laga dhigo nidaamka mid qof u adeega.

Madaxweynihii hore hadalkiisa ayaa imaanaya xili Xasan Sheekh uu wax ka bedel ku sameeyay qodobo kamid ah dastuurka, islamarkaana uu dhisay gudi doorasho oo aan lagala tashan mucaaradka iyo Maamullada Federaalka, taasina ay xad-gudub ku tahay sharciga dalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha ayaa laga sugayaa inay diyaarinayaan Doorasho Qof iyo Cod ah, iyadoo uu jiro khilaaf xoog leh oo ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM