Shiinaha oo ku baaqay in Soomaaliya si dhab ah loo caawiyo

Image
Safiirka Shiinaha ee UN Ma Zhaoxu oo ka hadlay shirka golaha ammaanka Dec 12, 2018. (SAWIRKA / AP)

NEW YORK - Ergeyga Shiinaha ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii ku baaqay in Soomaaliya la siiyo kaalmo wax ku ool ah si loo xasiliyo dalkaan oo ka badan 30 ay taagnaayeen xasarado siyaasadeed oo naafeeyay hay’adaha dowliga ah.

Dai Bing, ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Shiinaha ee Qaramada Midoobay ayaa golaha ka hor sheegay in Muddooyinkii u dambeeyay Soomaaliya ku dhaqaaqday hannaanka doorashada iyagoo aan “wax khilaaf ah ka dhalan”.

Shiinaha ayaa ku dhiirigelinaya Soomaaliya in ay sii wada talaabo kaste oo looga gudbi karo khilaafka lana hirgaliyo doorashooyin loo dhanyahay oo waqtigooda ku dhaca si loo abuuro jawi nabadeed oo lagu dhisi karo qaranka.

“Ka dib 30 sano oo colaado ah, Soomaaliya waxay wajaheysaa caqabado badan oo dag. Beesha Caalamku waa in ay ixtiraamtaa habka ay Soomaalidu hogaanka u dooranayso iyo in Soomaalidu wadankeeda leedahay, waa in ay muujiyaan dulqaadka lagama maarmaanka ah, oo ay u fidiyaan kaalmo wax ku ool ah, halkii ay cadaadis xad dhaaf ah ku samayn lahaayeen dhinac kasta” ayuu u sheegay Golaha Ammaanka.

Xaalada amaan ee Soomaaliya ayaa wali ah mid qasan. Ilaa iyo sanadkan, tobanaan qof ayaa lagu dilay weerarrada argagixisada Al-Shabaab ayuu ku nuux-nuuxsaday.

“Dalka Afrika waxaa hadda ka taagan xaalad bini'aadantinimo oo aad u daran. Abaartii ugu xumayd muddo 30 sano ah ayaa sababtay dalaggii beeraha oo gabaabsi noqday, xoolihiina ku le’deen, qiimuhuna sare u kacay, iyadoo boqolkiiba 70 dadku ay ku nool yihiin meel ka hooseysa xariiqa faqriga, ku dhawaad kala bar dadka ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isagoo ku nuux-nuux saday in mustaqbalka Soomaaliya uu noqdo mid ay Soomaalidu leedahay, ayuu sheegay in beesha caalamku ay si adag u taageerto Soomaaliya sidii ay u ilaalin lahayd madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed iyo la dagaalanka falalka gooni-goosadka ah, ayuu yiri.

“Waa inaan aqoonsi weyn siinaa doorka horumarka ee hagaajinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo amniga, iyo inaan Soomaaliya ka caawinno in ay ka gudubto caqabadaha dowladnimada la xiriira, horumarinta awooddeeda horumarineed ee isku filnaansho, abuurista shaqo iyo kobac, meeshana laga saaro sababaha colaadaha. ayuu hadalkiisa ku daray.

Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxay laf-dhabar u tahay dhaqdhaqaaqyada gobolka, si loo caawiyo dalalka gobolka oo ay Soomaaliya ku jirto, si ay uga gudbaan caqabadaha saddexda ah ee amniga, horumarka iyo dowladnimada, Shiinuhu wuxuu soo bandhigay hindise ku aaddan horumarinta nabadda ee Geeska Afrika, ayuu yiri Dai Bing, ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Shiinaha ee Qaramada Midoobay.

Ergeyga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Talaadadii ayaa ka sheekeeyay horumarro guud oo laga yaabo in laga gaaro xaaladda Soomaaliya.

"In kasta oo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo kuwa bini'aadantinimo ee Soomaaliya ay weli yihiin kuwo jilicsan, haddana waxaan ku rajo weynahay in dalku uu horumar dheeraad ah ka samayn doono dhinacyadan bilaha soo socda iyo wixii ka dambeeya," ayuu James Swan, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna madaxa xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo golaha warbixin ka sii yay xaalada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM