Shiinaha oo Soomaaliya ugu deeqay aduun lacageed $26 milyan ah

Image
Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, Madaxtooyada Beijing. 

Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Dhankiisa Madaxweyne Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Sidoo kale Madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan una dhiganta $26 milyan doolar-ka Mareykanka ah oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM