Shir ay Soomaaliya ka qeybgashay oo kusoo idlaadey guuldaro

Image
Wakiiladda ka kala socdey lixdan dal ayaa ku balamay fadhi kale oo qabsoomaya 2023-ka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga ay ku mideysan yihiin dalalka dhaca Badweynta Hindiya ee laga helo kalluunka Tuunaha loona yaqaano IOTC ayaa yeeshay kulankoodii sannadlaha ahaa intii u dhaxeysay 16 ilaa 20 bishii Maajo sanadkan 2022.

Lix dal ee xubinta ka ah guddiga IOTC ayaa waxay kala yihiin India, Indonesia, Iran, Madagascar, Oman, iyo Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Wakiiladda ka kala socdey wadamaddan ayaa ayaa ka soo horjeestay qorshaha dib u dhiska ee kaydka tuna jaalaha ah ee laga helo Badweynta Hindiya.

Kalfadhi kale oo gaar ah oo IOTC ka yeelato hindisahan ayaa la qorsheeyay in uu qabsoomo sanadka dambe 2023 "si looga hadlo xalalka dhibaatada".

Intii uu socday shirkan, xubnaha IOTC ayaa ku guuldareystay in ay isku mowqifka ka noqdaan hirgelinta siyaasad cusub oo lagu maareynayo jiriifka ay Tuunaha ku haayaan qaar kamid ah dowladaha tunka ah ee caalamka.

Sidoo kale, wakiilada dowladaha IOTC ayaa ku fashilmay in ay isku-raacaan qaab cusub oo lagu hubinayo tiradda guud ee noocyadda Tuunaha ee laga heli karo xeebahooda.

Tuunaha waa nooc muhiim ah oo kamid ah kaluunka laga helo baddaha caalamka si gaar ah waxaa looga sheegaa Badweynta Hindiya inkasta oo uu yahay mid guur-guura haddana waxaa jira meelo uu ku badan yahay, sidda cilmi-baareyaal ay xaqiijiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM